Isniin, Juun 23, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo waabarigii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Barujeed oo ku yaala duuleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Barujeed.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeshee wali lama helin war rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay iney ka hortageen weerarka Al-shabaab ayna ku sugan yihiin fariisinkoodii, islamarkaana ay kooxdu kaga dileen weerarka xubno dhowr ah.
17-kii bishii April ayay aheyd markii sidana oo kale Al-shabaab ay weerar culus ku qaaday gudaha deegaanka Barujeed oo ah deegaan istaraatiiji ah, lagana difaaco amniga guud ee magaalaa Baydhabo oo ah xarunta ku meel gaarka ah maamul goboleedka Koofur Galbeed.
Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.