Isniin, Juun 23, 2025 (HOL) - Xildhibaano badan oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka ayaa si adag uga falceliyay weerarkii Madaxweyne Donald Trump ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran, iyaga oo ku tilmaamay tallaabadaas "mid ka baxsan dastuurka" isla markaana ku baaqay in xilka laga xayuubiyo madaxweynaha.
Madaxweyne Trump ayaa xalay amray hawlgal lagu magacaabay “Operation Midnight Hammer” oo lagu beegsaday saddex xarumood oo muhiim ah oo nukliyeerka Iran lagu kaydiyo, taasoo kicisay muran sharciyeed iyo siyaasadeed.
Rep. Alexandria Ocasio-Cortez, oo laga soo doorto New York, ayaa qoraal ay baahisay ku tidhi: “Go’aanka musiibada ah ee Madaxweynuhu ku duqeeyay Iran isagoo aan oggolaansho ka haysan Congress-ka waa xadgudub weyn oo ka dhan ah Dastuurka iyo Awoodaha Dagaal ee Congress-ka."
"Wuxuu khatar galiyay dalka isagoo si degdeg ah u bilaabay dagaal laga yaabo inuu jiilal badan inagu raago. Tani waa sabab cad oo xilka looga qaadi karo."
Rep. Sean Casten, oo laga soo doorto gobolka Illinois, ayaa isna ku tilmaamay tallaabada Trump "dembi xil-ka-qaadis keeni karta" isagoo yidhi: “Arrintani wax shaqo ah kuma laha su'aalaha ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran. Ma jiro madaxweyne xaq u leh inuu duqeeyo dal aan khatar toos ah ku ahayn Mareykanka, iyadoo aan la helin oggolaanshaha Congress-ka.”
Casten wuxuu intaas ku daray in xisbiga Dimuqraadigu aanu hadda haynin codadkii lagama maarmaanka u ahaa xil ka qaadista Trump, wuxuuna su’aal geliyay doorka hoggaamiyaha Aqalka Wakiillada, Mike Johnson, isaga oo si adag u cambaareeyay qaabka go’aanka loo gaadhay. Sidoo kale, Casten wuxuu qiray in Iran ay horay ugu guuleysatay bacriminta maaddo nukliyeer ah oo halis ah, balse aan lagu rikibin hub.
Sen. Bernie Sanders, ayaa ku tilmaamay weerarka Trump inuu yahay “xaaraan Dastuuri ah,” isagoo yidhi: “Ma aqbalayo in Congress-ku uu si buuxda ugu wareejiyo awooddiisa laanta fulinta, xitaa haddii xubno indha la’ ay taageerayaan."
Rep. Val Demings, oo laga soo doorto Florida, ayaa iyaduna weerarka ku tilmaantay mid aan sharci ahayn: “Madaxweynuhu ma laha awood uu ku bilaabo dagaalka Iran isagoo aan oggolaansho ka helin Congress-ka. Dadka Mareykanku khatar toos ah kuma aysan jirin. In la yidhaahdo Iran khatar bay ahayd waa been cad. Congress, xaggeed jirtaan? Dadka Mareykanku waxay mudan yihiin wax ka fiican tan.”
Jim Himes, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Sirdoonka Aqalka Wakiillada, kana tirsan kooxda "Gang of Eight" ee ka kooban hoggaamiyeyaasha labada xisbi iyo xubno muhiim ah oo sirdoonka kamid ah, ayaa isna sheegay inuusan helin wax war ah oo ku saabsan weerarka ka hor inta aan duqaynta la fulin.
“Dastuurka aan ku dhaarannay ayaa leh waa in Congress-ka lagu war-geliyo go’aamada noocan oo kale ah. Tani waa khalad cad,” ayuu Himes ku qoray baraha bulshada.
Murankan ayaa sii hurinaya xiisadda siyaasadeed ee gudaha Mareykanka, iyadoo la filayo in Dimuqraadiyiintu sii wadaan cadaadiska ay saarayaan Madaxweynaha, halka taageerayaashiisu ay u arkaan tallaabadaas difaac qaran oo geesinimo leh. Doodda ugu weyn ayaa hadda ah: Trump ma jabiyay Dastuurka, mise wuxuu fuliyay mas’uuliyaddiisa ilaalinta amniga qaranka?
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka iyo wixii dhacay saacadihii ka danbeeyay
Weerarka Mareykanka ayaa dhacay fiidnimadii Sabtida, iyada oo diyaaradahiisa dagaalku ay beegsadeen saddex xarumood oo muhiim u ah barnaamijka nukliyeerka ee Iran: Fordow, Natanz, iyo Isfahan. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, weerarka ayaa si gaar ah loogu adeegsaday bambooyin culus oo lagu burburin karo dhismayaasha dhulka hoostiisa ku yaalla gaar ahaan xarunta Fordow oo ku taalla buur hoosteed.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerarka ku tilmaamay "guul weyn oo taariikhi ah," isaga oo sheegay in weerarkani meesha ka saaray "halis weyn oo caalami ah." Dowladda Iran ayaa dhankeeda xaqiijisay weerarka, balse sheegtay in goobaha la beegsaday ay ahaayeen kuwo madhan, isla markaana ay horay uga saareen walxihii ugu muhiimsanaa ee nukliyeerka.
Xaaladdu waxay sii cakirantay subaxnimadii Axadda, kadib markii Iran ay si isdaba joog ah u bilowday duqeymo culus oo ay ku qaaday badhtilmaameedyo Israa’iili ah. Warbaahinta gobolka ayaa sheegtay in gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo tiro badan lagu weeraray waqooyiga iyo badhtamaha Israa’iil, iyadoo nidaamka difaaca cirka Israa’iil, ee loo yaqaan "Iron Dome", uu hawlgaliyay si uu u qabto gantaalaha.
Taliska ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in qaar ka mid ah gantaalladaas ay gaadheen badhtilmaameedkoodii, balse khasaaraha rasmiga ah wali lama xaqiijin. Dhinaca kale, Iran waxay sheegtay inay "iska difaaci doonto ciddii gardarro ula timaadda," halka Israa’iil ay ku hanjabtay inay ugu jawaabi doonto "si ka xoog badan" haddii weerarada Iran ay sii socdaan.
Xiisaddan ayaa abuuraysa cabsi laga qabo dagaal ballaadhan oo gobolka Bariga Dhexe ku fida, iyadoo waddamada dunida ay ku baaqayaan in la joojiyo colaadda oo dib loogu noqdo miiska wadahadal. Lakiin Iran waxay sheegtay in anay adag tahay in ay markale aaminto Reer Galbeedka.