Isniin, Juun 23, 2025 (HOL) - Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan Goongareeska Maraykanka ayaa lagu qasbay inay tirto qoraal ay ku baahisay baraha bulshada oo ku saabsanaa addoonsigii ka jiray Maraykanka, kadib markii ay dood ka dhalatay, taasoo dhalisay in laga hadlo dalkii ay ka timid — Soomaaliya.
Ilhaan, oo dhawaan ku tilmaantay Maraykanka “mid ka mid ah waddamada ugu xun caalamka,” ayaa hadallo muran dhaliyay ku baahisay baraha bulshada intii lagu jiray dabaaldega maalinta 19-ka Juun (Juneteenth), taasoo ah maalin xus u ah dadka Madowga ah, gaar ahaan dhinaca bidixda siyaasadda.
Qoraalkeedii ayaa u qornaa sidan:
“160 sano ka hor, 19-kii Juun 1865, addoonsigu wuxuu ka dhammaaday dalkaan. Maanta, waxaan xusnaa xorriyadda, adkeysiga, iyo guulaha dadka Madowga ah, annagoo weli wadna shaqada lagu sifeynayo cunsuriyadda nidaamsan ee ku jirta siyaasaddayada iyo hay’adahayada.”
Qoraalkaas ayay tirtay kadib markii dad badan ka falceliyeen. Dad badan oo isticmaala Baraha Bulshada ayaa jawaab uga bixiyay qoraalkeeda iyagoo xusay in Soomaaliya oo ay ka timid oo ay marar badan sheegtay in ay daacad u tahay xilli ay ku jirto Congress-ka Maraykanka — uu yahay meel ay ka jirto addoonsi casri ah.
Warbixin ay soo saartay hay’adda Walk Free ayaa sheegtay in ku dhowaad 98,000 oo Soomaali ah ay ku jiraan xaalado u dhigma addoonsiga casriga ah, iyadoo dowladda Soomaaliya laga siiyay dhibcaha 18/100 dadaallada ay ugu jirto la dagaalanka addoonsiga.
Gunther Eagleman, oo ah shaqsi saameyn leh oo ka tirsan garabka midigta xagjirka ah, ayaa qoraalkeeda kaga falceliyay isagoo yiri:
"Soomaaliya weli waxay leedahay addoomo. Ilhaan ha u dagaalanto sidii ay dadkeeda u xoreyn lahayd."
Dad kale oo badan ayaa hadalkaas ka raacay, iyagoo xusay in Soomaaliya aysan dadaal xooggan gelin ciribtirka shaqada carruurta.
Qof kale ayaa ku yiri:
"Haddii aad si dhab ah ugu damqanayso dadka la addoonsado, ku noqo Soomaaliya. Waxaa weli jooga addoomo badan.”
Ilhaan Cumar ayaa ugu dambeyn tirisay qoraalkeedii hore, iyadoo beddeshay mid cusub oo aan ka hadlin addoonsiga. Qoraalkeeda cusub wuxuu ahaa:
“Juneteenth waxay nagu xasuusinaysaa in xorriyadu aysan had iyo jeer si deg deg ah ku imaanin, balse ay mudan tahay in la dagaalamo. Waa xusuusin awood leh oo muujinaysa sida ay ugu adkaan karto in caddaaladdu gaarto dadka u qalma. Maanta, waxaan u dabbaaldegnaa xorriyadda dadka Madowga ah, adkeysigooda, iyo guulahooda, anagoo sii wadayna shaqada lagu tirtiro cunsuriyadda nidaamsan.”
Dhinaca kale, kooxaha bidixda siyaasadeed ayaa maalinta Juneteenth u adeegsada inay ku dalbadaan in dadka cadaanka ah laga bixiyo magdhaw la xiriira addoonsigii hore ee dalka Maraykanka.