Isniin, Juun 23, 2025 (HOL) - Mashruuca la-dagaallanka Ayaxa ee Puntland ayaa wajahaya halis weyn oo ah inuu istaago, kaddib eedeymo culus oo loo jeediyay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland, Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Doonyaale), oo lagu eedeeyay musuq-maasuqa mushaharka shaqaalaha mashruucan.
Shaqaalaha iyo waardiyeyaasha xarunta ayaxa ee magaalada Qardho ayaa cabasho xooggan ka muujiyay mushahar la’aan iyo dib u dhacyo dhaqaale oo soo jiitamayay muddo siddeed bilood ah.
Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay HOL in shaqaaluhu si toos ah farta ugu fiiqeen wasiirka, iyagoo ku eedeeyay inuu sabab u yahay inay muddadaas mushahar la’aan yihiin.
Sida ku cad email rasmi ah oo ay dirtay FAO, waxay sheegtay in ay soo gaareen cabasho ku saabsan mushahar la’aan iyo magdhowga safarada muddo 8 bilood ah.
FAO waxay sidoo kale kula talisay shaqaalaha inay arrintan si toos ah ula xiriiraan Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Madaxtooyada Puntland, kaasoo hadda baaraya cabashooyin lamid ah kuwan. FAO waxay sidoo kale caddeysay in ay cabashadan horey ugu gudbisay Hantidhowraha si loo helo xal dhammeystiran oo sharci ah.
Waxaa sidoo kale la sheegay in lacag kale oo mashruuca kusoo dhacday ay hakad gashay, kadib markii Wasiirka lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu si gaar ah uga faa’iideysto. Eedeymahaas darteed ayaa shaqada looga joojiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Beeraha.
Mashruuca Ayaxa ayaa kamid ah mashaariicda kooban oo soo maray Dowladd Federaalka Soomaaliya oo ka socda gudaha Puntlabd. Mashruucan oo Bankiga Adduunka ku bixinayo malaayiin dollar sannadkiiba ayaa loogu talo galay in lagula dagaalamo Ayaxa oo dhibaato badan ku haya beeralayda iyo xoola dhaqatada Puntland.