Isniin, Juun 23, 2025 (HOL) - Todobo ka mid ah ciidamada Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa lagu dilay Dagaalkii Kooxda Al-Shabaab looga qabsaday degaanka Sabiid-Canoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka ciidamada Difaaca Uganda, Maj Gen Felix Kulayigye.
Askartan Geeriyootay ayaa qeyb ka ahaa Howlgal abaabulan oo ay ku lug lahaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo ciidamada Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya u jooga (AUSSOM), Howlgalka oo loogu magac daray “Operation Silent Storm” ayaa lagu soo afjaray 30 ka mid ah dagaalyahannada Al-Shabaab, waxaana lagu soo furtay keydkii hubka, waxaana la burburiyay qalab badan oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.
Ciidamada Uganda oo qeyb ka ahaa Howlgalkaasi waxa ay goobta kasoo heleen kayd hub ah waxayna burburiyeen qalab badan oo walxaha qarxa ah oo ay aaseen Kooxda Al shabaab, sida lagu sheegay War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda.
Taliyaha Ciidanka AUSSOM, Lt Gen Sam Kavuma, ayaa bogaadiyay dadaalka ay wadaan ciidamada isku dhafka ah ee ka socda wadamada Geeska Afrika, waxaana uu shaaca ka qaaday in tallaabo muhiim ah loo qaaday la dagaalanka Kooxda Al-shabaab.
“Waxaan bogaadinayaa geesinimada ciidamadeena AUSSOM gaar ahaan kuwa Uganda iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed, howlgalkaan waa qeyb ka mid ah dadaallada lagu wiiqayo Al-Shabaab,” ayuu yiri Sam Kavuma.
Askartaan ayaa la dilay intii uu socday dagaal xooggan oo rubuc saac ka socday Sabiid iyo Caanoole, iyadoo ciidamada wadajirka ah ay xoog ku galeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Kooxda Al shabaab, isla markaana ay burburiyeen godad waa weyn oo kuwa qaar xitaa ay dhulka hoostiisa mariyeen oo ay gabaad ka dhigteen, Taliyaha Qeybta Koowaad ee ciidamada Uganda, Sarreeye Guuto Joseph Musoke Ssemwanga, ayaa ku tilmaamay degaanka Sabiid iyo Cnoole inuu ahaa xarun weyn oo dhanka saadka iyo qorsheynta ah ee al-Shabaab.
"Laga soo bilaabo bishii Maarso, degaankaan waxay u noqotay meel istaraatiiji ah oo ay argagixisadu ka qorsheeyaan howlgallada iyo weerarada is qarxinta iyo kala gudbinta hubka iyo gaadiidka qarax-yada" ayuu yiri Taliyaha Qeybta Koowaad, Sarreeye Guuto Joseph Musoke Ssemwanga.
Meydka 7-da askari ee geeriyootay ayaa la filayaa in dib loogu celiyo dalka Uganda si halkaasi loogu aaso, Uganda ayaa door safka hore ah ka ciyaartay xasilinta Soomaaliya tan iyo 2007dii.