Isniin, Juun 23, 2025 (HOL) - Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa caawa fiidkii weerar culus ku qaaday saldhigga ciidamada Maraykanka ee Al Udeid ee ku yaalla dalka Qatar, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka. Weerarkan ayaa loo adeegsaday 6 gantaal oo kuwa balistiga ah.
Sida lagu daabacay telefishinka qaranka Iran, weerarkan ayaa lagu sheegay in uu jawaab u yahay weerarii uu Mareykanku ku qaaday xarumaheeda nukliyeerka”. Taliska difaaca Maraykanka ayaa sheegay in Iran ay soo tuurtay gantaallada ridada gaaban iyo kuwa dhexe oo ay ku beegsatay saldhigga Al Udeid, iyadoo aan la soo werin wax khasaare ah oo gaadhay ciidamada Maraykanka illaa hadda.
Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Qatar ee Dooxa, ayaa sheegay in dadku ay joojiyeen socodkooda oo ay cirka kor u eegayeen xilligii gantaalladu ay hawada marayeen, halka nidaamyada difaaca cirka ee Qatar ay isku dayayeen in ay soo ridaan gantaalladaas.
Saldhigga Al Udeid, oo ah kan ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Bariga Dhexe, ayaa sidoo kale ah xarunta taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka (CENTCOM). Iran ayaa horey ugu hanjabtay inay weerari doonto saldhiggan, iyadoo sheegtay in Maraykanku si cad uga tallaabay xadka colaadeed ee la oggol yahay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Iran sidoo kale weerar gantaallo ah ku qaadday saldhigga ciidamada Maraykanka ee Ain al-Asad ee galbeedka Ciraaq, inkasta oo saraakiisha Maraykanku ay sheegeen in Al Udeid uu ahaa saldhigga kaliya ee si toos ah loo beegsaday.
Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa bartiisa X ku qoray: "Annagu dagaalka ma aanaan bilaabin mana dooneyno, laakiin weerar kasta oo lagu qaado Iran lama dhaafi doono jawaab la’aan."
Dhanka kale, Israa’iil ayaa kordhisay weerarrada ay ku hayso Iran, iyadoo markan si toos ah u beegsatay badhtilmaameedyo ka tirsan nidaamka maamulka Tehran, oo ay ku jiraan albaabka xabsiga Evin oo ah xabsi lagu hayo maxaabiista siyaasadeed iyo ajaanibta u xidhan siyaasad ahaan. Weerarkaas ayaa qayb ka ahaa ol’ole cusub oo ay Israa’iil ku badhtilmaameedsanayso hay’adaha cabudhiya shacabka Iran.
Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay sii wadi doonaan weerarrada ay ka geysanayaan Tehran maalmaha soo socda, iyagoo sheegaya in badhtilmaameedkoodu hadda uu yahay calaamado astaan u ah nidaamka Iran, halkii ay horay uga beegsan jireen saldhigyada ciidamada.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa isna si cad uga hadlay suurtogalnimada in isbedel lagu sameeyo hogaanka Iran, isagoo bartiisa Truth Social ku qoray: “Haddii nidaamka Iran maanta jooga uusan awoodin inuu ka dhigo Iran mid weyn mar kale, maxaa loo diidayaa in la sameeyo isbedel?”
Weerarrada ka dhacay Iran iyo Qatar ayaa daba socda duqeyntii Mareykanku Axaddii la beegsaday xarumo nukliyeer ah oo muhiim ah, sida Fordo, Natanz, iyo Isfahan. Iran waxay sheegtay in ay goobahaas ka rartay walxaha nukliyeerka ka hor weerarka, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Tamarta Atomiga Iran.
Xaaladda cakiran ee Bariga Dhexe ayaa sii murgaysa, iyadoo Iran ay sheegtay in ay mar kale weerartay magaalooyinka Haifa iyo Tel Aviv ee Israa’iil, iyadoo la maqalay qaraxyo kale oo ka dhacay magaalada Qudus.
Dowladda Ruushka ayaa cambaareysay weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran, iyadoo madaxweyne Vladimir Putin uu ku tilmaamay “gardarro aan sabab lahayn”.
Qatar ayaa sheegtay inay si buuxda uga jawaabi doonto weerarka ay Iran ku qaaday saldhigga Maraykanka ee Al Udeid. Dhowr dal oo Carbeed iyo kuwa kale ee Islaamka ayaa caawa si adag u cambaareeyay weerarka Iran, waxaana ka mid ah: Soomaaliya, Bahrain, Kuwayt, Cumaan, Qatar, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Masar, Morocco, Urdun, Lubnaan, Turkiga, Yemen, iyo Falastiin.
Fiiro gaar ah: cambaareynta Yemen waxaa laga hadlayaa Jamhuuriyadda Yemen ee rasmiga ah, mana quseyso kooxda Xuutiyiinta. Sidoo kale, mowqifka Falastiin kuma koobna Xamaas oo keliya, balse wuxuu ka tarjumayaa dowladda Falastiin ee caalamku aqoonsan yahay.