8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 25, 2025
Ciidamada dowladda oo maanta dib ula wareegay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe
 

Arbaco, Juun 25, 2025 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa maanta kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaanada kala ah Masaajid Cali Guduud iyo Geelgub oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukar Macalin ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay la wareegista deegaanadaan oo bilahii lasoo dhaafay ku suganayeen Al-shabaab.

"Howlgal barakaysan oo loogu magacaabo “Duufaanta Aamusan” ayay ciidamada iskaashanaya maanta ka fuliyeen Masaajid Cali Gaduud iyo Geelgub iyagoo cagta mariyay goobo ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga khawaarijta, dhimasho iyo dhaawac badan ayaa jira dib ayaana ka soo faahfaahin doona" ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Abuukar Macalin.

Wuxuu sidoo kale sheegay Afhayeenka in ciidamada is kaashanaya ay haatan ku howlan yihiin miino baaris, islamarkaana ciidanku ay wali baacsi kusii hayaan firxadka Al-shabaab.

Deegaanada Masaajid Cali Guduud iyo Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah deegaanada muhiimka ah ee maleeshiyada Al-shabaab gacanta ku hayeen bilahii lasoo dhaafay.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa haatan markale dooneysa iney dib uga saarto kooxda Al-shabaab deegaano badan oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe oo ay ugu horeyso degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.