8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 25, 2025
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo faah faahin kabixisay kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh
 

Arbaco, Juun 25, 2025 (HOL) - Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxa ay faah faahiyeen kulankii maanta ka dhacay aqalka Madaxtooyada oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ay sheegeen in kulanka looga hadlay Siyaasadda guud ee dalka.

Afhayeenka Madasha Daahir Maxamuud Geelle oo saxaafadda la hadlay markii uu soo dhammaaday kulanka ayaa shaaca ka qaaday in waxa laga hadlaayay ay ahaayeen ajendooyinka Shir kale oo ay madax madasha iyo Madaxda Dowladda ay bisha soo socota u balansan yihiin si xal looga gaaro ismari waaga u dhaxeeya dhinacyadaan.

Danjire Geelle ayaa tilmaamay in madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ay qaadatay mas'uuliyadda sidii wadatashiyadda Siyaasadda dalka dib loogu soocelin lahaa Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayna arintaasi maalmaha soo socota ka shaqeyn doonaan.

Waxa uu sidoo kale Daahir Maxamuud Gelle cadeeyay in laga wada hadlay Arrimaha Dastuurka, Doorashooyinka iyo la dagaalanka Kooxaha Argagexisada oo ma ahayn kuwa go'aan laga gaarayay kaliya ay ku koobnayeen inay noqdaan qodobada shirarka soo socda lagu falanqeeyn doono.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa maanta war ay soo saartay ku sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isago sii wada gogoshii wadataahiga Qaran uu shir kula yeeshay Madaxda Mucaaradka si ay iskula meel dhigaan qodobada cakiran ee ka taagan Soomaaliya.

Dhinacyadaan ayaa lafilayaa markale inay shir iskugu yimaadaan 3da Bisha July waxaana sii socon doono ka doodista xal waara oo laga gaaro siyaasadda cakiran ee dalka.