Khamiis, Juun 26, 2025 (HOL) - Xiisadda ka dhex aloosan Iran iyo Beesha Caalamka, gaar ahaan Hay’adda Kormeerka Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay (IAEA), ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii Iran ku dhawaaqday in ay joojisay wada-shaqeyntii ay la lahayd hay’addan.
Go’aankan ayaa yimid maalmo uun kadib markii duqeymo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil ay si weyn u waxyeelleeyeen xarumaha ugu muhiimsan ee nukliyeerka Iran.
Sida laga soo xigtay madaxda hay’adaha sirdoonka Mareykanka, weeraradii ugu dambeeyay waxay dib u dhigeen barnaamijka nukliyeerka Iran dhowr sano. Israa’iil ayaa iyaduna sheegtay in weerarku uu barnaamijkaasi dib u celiyay "sanado badan".
Balse, hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Cali Khumayni, ayaa si adag u beeniyay arrintaas, isagoo ku tilmaamay war been abuur ah oo uu Madaxweyne Trump buunbuuniyay.
Go’aanka Iran ee ah in ay joojisay wada-shaqeynta IAEA ayaa si rasmi ah u dhaqan galay kadib markii uu ansixiyay Golaha Ilaalinta Dastuurka, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee shareecada dalka.
Go’aankan wuxuu la macno yahay in la joojiyay gebi ahaanba kormeerkii caalamiga ahaa ee lagu samayn jiray xarumaha nukliyeerka Iran, taasoo laga cabsi qabo in ay horseeddo is-maandhaaf hor leh.
Agaasimaha Guud ee IAEA, Rafael Mariano Grossi, ayaa sheegay in hay’addu ay weli xidhiidh la leedahay saraakiisha sare ee Iran, balse aysan helin wax jawaab rasmi ah ku saabsan arrimaha kormeerka. Grossi wuxuu hoosta ka xariiqay in joogitaanka IAEA ee Iran ayna ahayn "deeq ama gargaarka caalamiga ah," balse ay tahay waajibaad sharciyeed oo ka dhashay heshiiskii Caalamiga ahaa ee Xakamaynta Faafitaanka Nukliyeerka (NPT), oo ay Iran saxiixday.
"Waxaan aad uga walaacsanahay go’aanka Iran… haddii ay si rasmi ah u joojiyaan wada-shaqeynta, waxay noqon doontaa arrin sababi karta dhibaato weyn oo caalami ah," ayuu yidhi Grossi. Lakiin Iran ayaa ka cabsi qabta in kormeerayaasha loo soo diro ay basaasaan xarumahooda nukliyeerka kadibna xogta ay la wadaagan sirdoonka Israa'iil iyo Maraykanka.
Khumayni, oo maanta kasoo muuqday muuqaal horay loo sii duubay, ayaa sheegay in dowladda Iran ay guul weyn ka gaadhay dagaalkii ay la gashay Israa’iil iyo Mareykanka oo is garabsanaya. Hadalkiisa ayaa u muuqday mid loogu talogalay in qalbiga loogu qaboojiyo shacabka gudaha, isaga oo sidoo kale digniin u diray Mareykanka.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dhankiisa sheegay in weerarada Iran ay dhibaato wayn soo gaadhsiiyeen Israa'iil, isaga oo si gaar ah u xusay gantaalada balistikada ee ay Tehran isticmaashay oo uu sheegay in ay dhulka dhigeen dhismayaal badan oo ku yaala gudaha Israa'iil.
Sawirro laga qaaday magaalada Tehran kadib xabbad-joojintii ayaa muujinaya dad sita calanka Iran iyo sawirrada Khumayni, oo u dabaaldegaya joojinta dagaalka.
Si kastaba ha ahaatee, warbixin uu CBS News baahiyay ayaa lagu sheegay in magaaladu degan tahay balse cabsi badan laga dareemayo. Ganacsiyo badan ayaa weli xidhan, dadka badankiisuna waxay qabaan cabsi ah in dagaalku dib u bilaabmi karo.
Wariyaha CBS News, Imtiaz Tyab, oo noqday wariyihii ugu horreeyay ee Maraykan ah ee gudaha u gala Iran tan iyo markii dagaalku billowday, ayaa sheegay in safarkoodu uu ahaa mid adag, isagoo soo maray xuduuda Turkiga, maadaama ay hawada Iran xidhnaatay.
Wuxuu sidoo kale xusay in Tehran aysan hadda ahayn tii uu horay u bartay: "Firfircoonidii magaalada waa yaraatay, cabsiduna waa korodhay" ayuu yidhi.