Khamiis, Juun 26, 2025 (HOL) - Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran ayaan weli degin, iyadoo labada dhinac ay sii kala fogaanayaan afkaar ahaan, isla markaana uu mid waliba sheeganayo guulo istiraatiiji ah iyo guul-darrooyin soo gaadhay dhanka kale.
Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa warfidiyeenka kula hadlay shir jaraa’id, isagoo si adag ugu weeraray warbaahinta, gaar ahaan wararka ku saabsan qiimeynta weeraradii Mareykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran, weeraradaas oo uu ku tilmaamay kuwo guul laga gaadhay oo lagu burburiyay xarumaha nukliyeerka Iran.
Wasiirka Difaaca ayaa sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ee Iran dhexmaray uu ahaa fursad lagu muujiyay geesinimada ciidamada Mareykanka, isagoo xusay in 44 askari oo Maraykan ah ay mas’uul ka ahaayeen difaaca saldhig uu Maraykanku leeyahay Bariga Dhexe oo ay Iran weerartay.
Waxa uu intaas ku daray in dalka Qatar uu gacan ka geystay difaaca saldhigooda, taas oo uu ku tilmaamay iskaashigii ugu ballaadhnaa ee lagu adeegsado nidaamka gantaalaha Patriot-ka Maraykanka taariikhda milatariga dalkiisa.
Hegseth ayaa beeniyay warbixin si aan ku talo gal ahayn uga soo baxday Sirdoonka Milatariga Mareykanka (DIA), taas oo sheegaysay in xarumaha nukliyeerka ee Iran aanay si buuxda u burburin. Wuxuu sheegay in weeraradu ay si weyn u waxyeelleeyeen xarumihii la badhtilmaameedsaday. Wuxuu ku eedeeyay warbaahinta in ay si xad dhaaf ah ugu mashquuleen warbixintaas, isagoo ku dooday in ay buunbuuniyeen oo ay majara habaabiyeen qiimeynta sirdoonka.
Wasiirka ayaa sidoo kale suxufiyiinta ku eedeeyay in ay mar walba raadiyaan fadeexado halkii ay ka warin lahaayeen guulaha la gaadhay, sida koboca dadka isqoraya ciidamada iyo kordhinta kharashaadka ay dalalka Yurub ee saaxiibka la ah Mareykanka ku bixiyaan amniga guud. Wuxuu sheegay in warbaahintu ay iska indhatirayso guulo taariikhi ah oo uu sheegay in uu gaadhay maamulka Trump.
Madaxweyne Donald Trump ayaa muuqaal ahaan ula socday shirka jaraa’id ee Hegseth, isagoo qoraallo ku baahiyay baraha bulshada. Wuxuu warbaahinta ku eedeeyay in ay faafisay “sheekooyin been abuur ah,” isagoo sheegay in saxafiyiintii qoray wararka ku saabsan qiimeynta sirdoonka laga eryi doono shaqooyinkooda.
Trump wuxuu si gaar ah ugu mashquulsan yahay sida weerarada Iran looga arko gudaha Mareykanka, maadaama falcelinta shacabka ay saameyn karto go’aamada codbixiyeyaasha xilli uu isu diyaarinayo doorasho. Wuxuu warbaahinta ku eedeeyay in ay hoos u dhigeyso waxa uu ugu yeedhay "guul taariikhi ah".
Dhanka kale, hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Cali Khumayni, ayaa muuqaal horay loo sii duubay oo galabta la baahiyay ku sheegay in weeraradii Mareykanka iyo Israa’iil aysan waxyeello weyn u geysan xarumaha nukliyeerka Iran. Wuxuu ku tilmaamay sheegashada Mareykanka mid buunbuunin ah oo loogu talogalay in lagu qanciyo shacabka Maraykanka iyo taageerayaashiisa siyaasada.
Khumayni wuxuu sheegay in Mareykanku uu u galay dagaalka si uu u badbaadiyo “xaakimiyadda Zionist-ka" oo uu ula jeeday Israa’iil, wuxuuna sheegay in haddii aanu Mareykanku u hiilin, Israa’iil la burburin lahaa. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Mareykanku aanu dagaalka ka gaadhin wax natiijo la taaban karo.
Iran waxay sidoo kale shaacisay in ay si buuxda uga baxday wada-shaqeyntii ay la lahayd Hay’adda Kormeerka Nukliyeerka Qaramada Midoobay (IAEA), go’aankan oo uu ansixiyay Golaha Ilaalinta Dastuurka, ayaa la sheegay inuu leeyahay miisaan sharciyeed oo buuxa.
Agaasimaha Guud ee IAEA, Rafael Grossi, ayaa sheegay in uu weli xidhiidh la leeyahay saraakiisha Iran, balse ayna jirin wax jawaab ah oo rasmi ah oo ay ka heleen. Wuxuu tilmaamay in go’aanka Iran uu jabinayo waajibaadka ay saxeexday xilligii ay ku biirtay heshiiska caalamiga ah ee xakamaynta hubka nukliyeerka (NPT).
Dagaalkii u dhexeeyay Iran iyo Israa’iil, oo markii dambe uu Mareykanku ku biiray, ayaa istaagay kadib markii la gaadhay xabbad-joojin aan cago badan ku taagnayn. Hase yeeshee, waxa laga cabsi qabaa in dagaalku dib u qarxo xilli kasta.