8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 26, 2025
Falcelin ka dhalatay kulan dhexmaray Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga iyo Wasiirka Dekadaha Soomaaliya
 

Khamiis, Juun 26, 2025 (HOL) - Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo dalka Turkiga kula Kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa waxaa ka dhashay falcelin ay kasameeyeen Dadka isticmaala Baraha Bulshada iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu dalbaday in uu dhiggiisa Turkiga la kulmo, balse isagoo Ankara ku sugan oo weli sugaya in dalabkiisa la aqbalo ayaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda iyo Madaxweynihii Turkiga ku dul-qaabileen wasiir kale uu ula jeeday Wasiirka Dekadaha Soomaaliya, iyadoo aysan safaaradu la socon.

"Haddii aysan jirin tabar lagu diido xadgudubka gobonnimo iyo maamuuska dowladeed, si wejigabaxa looga baxsado, sow ma habboona in isaga Wasiirka Arrimaha Dibadda laga dhigo."ayuu qoraal uu Baraha Bulshada soo dhigay sii raaciyay hadalkiisa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wasiirka Dekaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya oo haysta Baasaboorka Dalka Turkiga ayaa la kulmay Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Madaxweynaha dalka Turkiga taas oo ay ka dhalatay falcelintaan iyo su'aal iska weydiinta ah in Wasiir Cabdisalaam Dhaay dalabkiisa aysan Turkida kasoo jawaabin.

Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa HOL u xaqiijiyay inay jirtay dalabka uu Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Dhaay uu gudbiyay si uu dhigiisa dalka Turkiga Hakan Fidan ula kulmo balse markii ay u suurtagali weyday uu dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa qaabilay kaliya todobo wasiir arrimo dibadeed oo Shirka OIC ka qeyb gashay balse Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya uu ku hungoobay in dalabkiisa laga soo jawaabo dibna ugu soo laabtay Soomaaliya, balse waxaa si lama filaan ah uu Wasiir Fidan uu u qaabilay Wasiirka Dekaha iyo Gadiidka Badda Cabduqaadir Maxamed Nuur waa midda falcelinta iyo suaasha weyn ku dhex abuurtay bulshada Soomaaliyeed qeybaheedi kala duwan.

Warbaahinta Arlaadi Media oo soo xiganaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in wasaaradu u xaqiijisay in Wasiirka wasaaradaas Cabdisalaam Dhaay uu ku sugan yahay Muqdisho markii maalmo kahor uu kasoo laabtey Ankara oo uu kaga qeybgalay shirka ururka OIC ayna “been abuur” yihiin wararka lagu faafiyey baraha bulshadda.