Hiiraan Online
8/13/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Jun 27, 2025
Taliyaha ciidanka Dhulka ee xoogga dalka oo kormeer ku tagay deegaano dhawaan laga xureeyay Al-shabaab
Jimco, Juun 27, 2025 (HOL) - Taliyaha ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta kormeer dhiirrigelin ugu tagay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka aaga deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Goobaha uu maanta kormeerka ku tagay Jeneraal Sahal Cabdullaahi ayaa dhawaan uun ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka kala wareegeen kooxda Al-shabaab.
Taliyaha ciidanka dhulka ayaa ciidamada ku sugan jiida hore dagaalka ku bogaadiyey guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, wuxuna kula dardaarmay iney sii laba jibaaraan dagaalka inta laga ciribtirayo guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin kooxda gobolada dalka.
Jeneraalka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney kordhiyaan taageerada iyo garab istaaga ku aadan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka adag kula jira maleeshiyaadka Al-shabaab.
Si kastaba ha ahaate kormeerka taliyaha dhulka ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay si weyn u kordhiyeen maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.