8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 27, 2025
Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirka Global Connectivity Forum ee ka furmay dalka Turkiga
 

Jimco, Juun 27, 2025 (HOL) - Wasiirada Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux ayaa maanta ka qeyb-galay Shirweynaha Madasha Isku Xirka Caalamiga ah “Global Connectivity Forum” oo ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiye.

Madashan oo uu daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiye, Recep Tayyip Erdogan, ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Türkiye.

Muhiimada ayaa ah in xoogga lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa isku xirka caalamiga ah si kor loogu qaado ganacsiga iyo isgaarsiinta dhinacyada dhulka, badaha, iyo hawada.

Wasiirka Dekadaha iyo Gadiid Badda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in sharaf weyn ay u tahay ka wasiir ahaan inuu Soomaaliya ku matalo Madasha Isku xirka Caalamiga ah ee 2025 ee lagu qabtay Istanbul, taasoo uu furay Madaxweyne Turkiye Recep Tayyip Erdoğan.

"Waxaan magaalada Istanbul maanta kulan miro dhal ah kula yeeshey Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Türkiye Abdulkadir Uraloğlu, Waxaan ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee dhinacyada dekedaha iyo gaadiidka badda, Waxaan ugu mahadcelinayaa soo dhoweynta wwanaagsn" ayuu ku yiri Wasiirka Dekadaha Soomaaliya qoraal uu soo dhigay baraha Bulshada ku xiriirto.

Halku-dhigga madasha ee ahaa: “Isku xirnaan aan hakad lahayn, fursado aan xad lahayn” (Seamless Connectivity, Limitless Possibilities), ayaa waxa ka soo qeyb-galay wakiillo ka kala socday in ka badan 70 Dowladood.