8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2025
Degmda Shibis oo ku guuleysatay tartanka kubadda Koleyga ee Gobolka Banaadir
 

Sabti, Juun 28, 2025 (HOL) - Tartanka Kubadda Koleyga ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo dhowaanahaan si habsami leh uga socday magaalada Muqdisho ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay Caasimdda iyadoona Shibis ay Koobka la hoyotay.

Kulankii finaalaha waxaa iskugu soo haray labada Xul ee Kolayga ee Degmooyinka kala ah Shibis iyo Hodan kuwaasi oo soo bandhigay Ciyaar aad usoo jiidatay Bulshada u daawasho tagtay tartankaan.

Ciyaarta oo guusha ay raacday Xulka Kubadda Koleyga ee Degmada Shibis ayaa la timid 62 Gool halka dhigeedi Hodan ay la timaaday 54 Gool, sidaasna ay guusha iyo Koobkaba ay ku hanatay Degmada Shibis.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Koobka Kubadda Koleyga ee Degmooyinka Gobolka Banaadir guddoonsiiyay Naadiga Kubadda Koleyga ee Degmada Shibis.

Duqa Muqdisho ayaa ugu hambalyeeyay Naadiga Kubadda Koleyga Degmada Shibis guusha ay ka gaareen Tartanka, waxaana uu tilmaamay in Maamulkiisa uu door weyn siin doono kor u qaadista tartamada qeybaheedi kala duwan oo lagu xoojinayo is dhexgalka Bulshada caasimadda ku dhaqan.

Ciyaartii shalay Waxaa u daawasha tagay taageerayaal badan oo labada degmo kala taageerayay, Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiiro, Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal, Guddoomiyeyaal Degmo.