8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2025
Dowladdaha Soomaaliya iyo Algeria oo iska kaashanaya horumarinta amniga Bulshada
 

Sabti, Juun 28, 2025 (HOL) - Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha iyo Amniga Bulshada Algeria Faysal Bentaleb, ayaa magaalada Algiers ku qaabilay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Yuusuf Maxamed Aadam, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay isla wasaaraddaasi.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku faahfaahisay in kulankaasi uu ahaa fursad laisku dhaafsanaayay aragtiyo la xiriira sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada shaqada, iyo amniga bulshada, iyo sidii loo horumarin lahaa siyaasado bulsho oo gacan ka geysanaya taageeridda dadaallada horumarineed iyo horumarinta caddaaladda bulshada ee labada dal.

Wasiir Bentaleb wuxuu sheegay in Dowladiisa ay waayo aragnimo buuxa u leedahay amniga bulshada gaar ahaan marka la eego ballaarinta caymiska bulshada ee qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan qoysaska nugul.

Waxa uu tilmaamay in Algeria ay diyaar u tahay in Soomaaliya ay la wadaagto waayo-aragnimadeeda dhinaca ilaalinta bulshada iyo horumarinta nidaamka shaqo ee ku dhisan midnimada Carabta si loogu adeego rabitaanka labada dal iyo dadka walaalaha ah. 

Dhankiisa, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya ayaa muujiyay sida weyn ee dalkiisu u xiiseeneyso waayo aragnimada Aljeeriya ee dhinacyada ilaalinta bulshada iyo shaqada iyo sida uu u doonayo in uu uga faa’iidaysto khibradda Aljeeriya ee arrimahan.

Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan caqabadaha bulsho gaar ahaan marka la eego isbeddellada dhaqaale iyo bulsho ee ka dhacaya gobolka, iyaga oo xoogga saaraya muhiimadda iskaashiga Carabta iyo isdhaafsiga khibradaha guuleysta," sida lagu sheegay isla bayaankan.