8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2025
Maxaabiis Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo qarka u saaran in lagu fuliyo xukun dil ah gudaha Sacuudiga
 

Sabti, Juun 28, 2025 (HOL) - 56 maxbuus oo kasoo jeeda Soomaaliya iyo Itoobiya, kuna xiran xabsiga Najiraan ee dalka Sacuudiga, ayaa la sheegay in dilkooda uu dhici karo "maalin kasta," sida ay warbaahinta Middle East ku warrantay. Maxaabiistan ayaa lagu helay dambiyo la xiriira ka ganacsiga mukhaadaraadka, kuwaas oo ah dambiyo ciqaabtoodu tahay dil.

Liis ay heshay MEE ayaa muujinaya in 43 Itoobiyaan ah iyo 13 Soomaali ah ay sugayaan fulinta xukunka dilka ah, halka ugu yaraan lix qof la dilay bishii lasoo dhaafay. 

Wararka ayaa sheegaya in maxaabiista loo sheegay inay is macsalaameeyaan, taas oo muujinaysa in dilalku si rasmi ah u billowdeen kadib ciidda Carafo.

Tirakoobka hay’adda Amnesty International wuxuu muujinayaa in ugu yaraan 52 qof lagu dilay Sacuudiga intii u dhaxaysay Janaayo ilaa Abriil 2025, kuwaas oo dhammaantoodna la xiriirinayay mukhaadaraad. 

Warbixintu waxay xustay in dad badan lagu xukumay dil iyadoo lagu eedeeyay inay wadeen ama la haayeen daroogo sida Xashiish. 

Waxaa kaloo jira eedeymo ah in maxaabiis badan aysan helin qareenno, turjubaano, ama caddayn sax ah oo lagu xukumo, iyadoo lagu qasbo inay saxiixaan qirashooyin aan la fahmin.

Mid kamid ah maxaabiista, Khalid Maxamed Ibraahim oo Soomaali ah, ayaa wajahaya dil, waxaana walaalkiis sheegay in Khalid uu ahaa muwaadin dhibaatooyin siyaasadeed iyo shaqo la’aan darteed uga baxay Itoobiya isagoo rajo ka qabay nolol wanaagsan, balse xabsiga la dhigay tan iyo 2018. 

Wuxuu dil ku mutaystay kaddib markii uu rumaystay talo uu ka helay askari xuduudda ka howlgalla, kaasoo u sheegay inuu sheegto inuu yahay tahriibiye daroogo si loo sii daayo.