Talaado, Juun 3, 2025 (HOL) - Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa shalay oo Isniin aheyd khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.
Wakaalladda Wararka Qatar ayaa sheegtay in labada dhinac ay ka wadahadleen arrimo muhiim ah oo heer gobol iyo heer caalami ah, iyagoo caddeeyay inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga wadajirka ah ee dhinacyada kala duwan si loogu adeego danaha labada shacab ee Soomaaliya iyo Qatar.
Amiirka dalka Qatar ayaa u balan qaaday Madaxweynaha Soomaaliya inay xoojin doonto Qatar taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.
Dhowaan warar soo baxayay ayaa sheegayay in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Qatar martigelinta shir weyne lacag loogu uruurinayo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM oo uu Mareykanka ka caga jiidaayo inuu bixiyo maalgelinta howlgalkaasi.
Qatar waxa ay safka hore kaga jirtaa wadamada Soomaaliya taageera, waxaana dhowaan ay balan qaaday inay 10,000 Shaqaale Soomaali ah ay shaqa abuur dalkeedi ugu sameeneyso si loo yareeyo Shaqa la'aanta ka taagan Soomaaliya.