6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2025
Shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka, rasaasta iyo Ka Hortagga Qaraxyada oo lasoo gabagabeeyay
 

Talaado, Juun 3, 2025 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka, rasaasta iyo Ka Hortagga Qaraxyada, kaasoo socday mudo laba cisho ah.

Shirweynahaan ayaa ahaa mid ay ka qeyb galeen madaxda hay’addaha amaanka heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo kuwa Caalamiga ah ee dhanka amaanka iyo ka hortagga hubka iyo rasaasta sharci daradda ah ka taageera dowladda Federaalka Soomaaliya.

Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Shirweynaha Qaran oo ujeeddadkiisu ahaa sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta qorshaha Qaran ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta.

Shirkaan ayaa dhinacyada ka qeyb galay waxay si weyn ugu lafa gureen sidii loo xoojin lahaa dadaalada lagula dagaalamayo hubka sharci darrada ah iyo qaraxyada ay kooxaha argagixisada u adeegsadaan falalka amni darrada ah.

Raysal Wasaare ku xigeenka ee dalka Saalax Axmed oo ka hadlay xiritaanka shirkaan ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in si hufan loo hago arimaha hubka iyo rasaasta.

“Maareynta hubka waxay laf-dhabar u tahay sugidda amniga Soomaaliya Xukuumadda DanQaran waxay mudnaan gaar ah siinaysa horumarinta siyaasadaha, sharciyada, iyo farsamooyinka lagu wajahayo khatarta hubka sharci darrada ah, waxaana xoojin doonaa awoodda hey’adaha ammaanka, ayada oo la dhisi doono nidaamyo la isku halleyn karo oo lagu xakameeyo socodka hubka, iyadoo la kaashanayo saaxiibada caalamiga ah,” ayuu yiri Raysal wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.

Ugu dambeyntii shirkweynahan Qaran ayaa kusoo aadaya, iyadoo Soomaaliya ay wajaheyso caqabado xoogan oo la xariira dhanka amaanka, gaar ahaan qaraxyada ee kooxaha loogu yeero Argagixisada ah ay ku beegsadaan ciidamada iyo goobaha shacabka ku badan yihiin.