6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 3 , 2025
Howlgal lagu dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose
 

Talaado, Juun 3, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysanaa oo maanta ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Gaashaan ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Howgalkaan ayaa lagu dilay horjoogihii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanada Dhanaane iyo Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Qoraalka kasoo baxay dowlada Federaalka oo ahaa mid kooban laguma shaacin magaca horjoogahan ka tirsan Al-shabaab ee lagu dilay howlgalka ay sida gaarka ah u fuliyeen ciidanka Gaashaan ee NISA.

Howlgalkaan lagu dilay horjoogihii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanada Dhanaane iyo Gandarshe ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan howlgal ka dhacay deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay horjoogihii Shabaab u qaabilsanaa gorsheynta weeraradii hoobiyeyaasha ahaa ee Muqdisho ka dhacayay ilaa sanadkii 2023-kii.

Ugu dambeyntii howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidanka hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA mudooyinkii dambe si weyn u kordhiyen howlgalada ay sida gaarka ah ugu beegsanayaan horjoogayaasha kooxda Al-shabaab.