Hiiraan Online
6/23/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 4 , 2025
In ka badan 35 xubnood oo Daacish looga dilay howlgalo laga fuliyay gobolka Bari
Arbaco, Juun 4, 2025 (HOL) - Ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo khasaare badan lagu gaarsiiyay kooxda Daacish ka fuliyay inta u dhaxeysa deegaanka kala ah Miiraale iyo Baalade ee gobolka Bari.
Hawlgalada oo ahaa kuwa qorsheysanaa oo saacado badan qaatay ayaa lagu dilay in ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo la tilmaamay in ciidamadu uga daba tageen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgaladaan ayaa warbaahinta u soo bandhigay meydad u badan ajaaniib oo ka tirsan Daacish oo laga dilay goobaha ay firxadka ku tageen ee u dhaxeeya Miiraale iyo Baalade.
Waxaa sidoo kale Saraakiisha ciidanka Daraawiishta Puntland ay sheegeen in howlgalada ku burburiyeen keyd hub iyo saanad ciidan oo kooxda Daacish lahayd.
Ugu dambeyntii howlgaladaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe ciidanka Puntland ay kordhiyeen weerarada ka dhan ah kooxda Daacish, waxaana xusid midan in ciidanka Puntland todobaadkii lasoo dhaafay ay si buuxdo ula wareegeen taliskii ugu weyna ee kooxda Daacish ku laheyd Togga Miiraale.