6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 4 , 2025
Guddoomiyaha Aqalka sare Soomaaliya oo sheegay in Ruushka uu cafiyay Malaayiin deyn oo lagu lahaa Soomaaliya
 

Arbaco, Juun 4, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay in Ruushka uu cafiyay Malaayiin deyn oo lagu lahaa Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey madaxda Ruushka sida ay dalkiisa uga cafiyeen 700 oo milyan oo dollar oo deyn dibadeed ah, isagoo ku tilmaamay inay tahay deeqsinimo taariikhi ah.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan si qoto dheer uga mahadceliyo, go'aanka muhiimka ah ee uu Ruushku ku cafiyay qayb muhiim ah oo ka mid ah deymaha dibadda ee Soomaaliya looga leeyahay, deeqsinimadan taariikhiga ah, oo ay u taagan tahay cafinta 700 oo milyan oo dollar oo deyn ah, kaliya ma ahan mid culeyska dhaqaale naga yareynaya, laakiin sidoo kale waa muujin awood leh oo muujinaysa wadajir iyo saaxiibtinimo." ayuu yiri Cabdi Xaashi oo ka hor hadlaayay Golaha Sharci dejinta Ruushka

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa xusay in tallaabadan ay qaaday Moscow ay xaqiijineyso sida ay uga go’an tahay mabaadi’da iskaashiga iyo horumarka loo siman yahay, Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay daneyneyso khibradda hay’adaha sharci-dejinta Ruushka ee ku aaddan dhismaha haykalka dowladnimo ee federaalka ee dalka.

Waxa uu yiri, "Waxaa jirta karti weyn oo lagu dhisi karo iskaashi ka shaqeeya danaha labadeena dal."

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee uu ku joogo dalka Ruushka, guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu la kulmay Vyacheslav Volodin, guddoomiyaha golaha wakiilada ee dowladda Ruushka.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta baarlamaannada Soomaaliya iyo Ruushka iyo is dhaafsiga khibradaha la xiriira horumarinta sharci dejinta iyo matalaadda shacabka.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la sameeyo guddi saaxiibtinimo oo dhexmara dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka si kor loogu qaado xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.