Khamiis, Juun 5, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga hadlay talaabada ciidanka Burundi uga soo baxeen deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana kula wareegeen Al-shabaab.
Wasiirka ayaa si adag u dhaliilay talaabada ciidanka Burundi Isniintii lasoo dhaafay uga soo baxeen deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ah deegaan istaraatiiji ah.
"Suuragal maaha in Xawaadley la yiraahda ciidan Ajanabi ah ayaa ka baxay oo ay soo galaan Khawarijta sidaasi mahan si lagu joogi karo gobolka Banaadir, waxaan bilaabi doona howlgalo diirada lagu saarayo labada Shabeelle" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiir Axmed Macalin Fiqi in gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose yihiin meelaha kaliya ee laga sugi karo amniga guud ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
“Amniga gobolka Banaadir waxaa laga ilaalin kara labada Shabeelle ee mahan mid laga Ilaalin karo ee Heliwaa iyo kaaraan, waa in dadka gobolka Banaadir ku nool ee Afarta Milyan ka badan ka qeyb qaataan la dagaalanka Al-shabaab" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Ugu dambeyntii Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay guulo ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle ay ka gaareen dagaalo culus oo Shalay kula galeen kooxda Al-shabaab deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan, islamarkaana Al-shabaab looga dilay in ka badan 20 xubnood.