Khamiis, Juun 5, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Yasooman oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeyay kooxda Al-shabaab iyo ciidanka Macawiisleyda Xawaadle.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka Macawiisleeyda ku leeyihiin deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka ka dhacay Yasooman ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dhawaqa hubka labada isku adeegsanayeen laga maqlaayay deegaano ka fog fog Yasooman.
Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabakada HOL ayaa inoo sheegay in ciidanka Macawiisleyda Xawaadle ay si weyn isaga difaaceen weerarka Al-shabaab kusoo qaaday Yasooman, islamarkaana uu jiro khasaare labada dhinac kala gaaray.
"Dagaalka wuxuu ahaa mid xoogan waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle waxa ka dhintay laba ruux laba kalana waa dhaawac, dhanka Al-shabaab waxaa jira khasaare inta ka badan lakiin tirada ma xaqiijin karo oo meydadka wey qaateen" ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka Yasooman.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa haatan sheegaya in dagaalka uu istaagay, islamarkaana ciidanka Macawiisleeyda ay wali ku sugan yihiin fariisimahoodii deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaan ka dhacay Yasooman uu kusoo aadaya, iyadoo Shalay sidaan oo kale dagaal mudo laba jeer ah la isku noqday uu ku dhexmaray deegaanka Ceel hareeri kooxda Al-shabaab iyo ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle.