Hiiraan Online
6/23/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Jun 7 , 2025
Booliska Gobolka Banaadir oo $30,000 u balan qaaday cidii soo sheegta Kooxaha Hoobiyeyaasha kusoo tuuro Degmooyinka G.Banaadir
Sabti, Juun 7, 2025 (HOL) - Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Banaadir Macalim Mahdi ayaa sheegay in uu ka doonayo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa daafaha Degmooyinka ah inay xog buuxda ka keenaan kuwa hoobiyeyaasha kasoo tuuro Degmooyinkaasi.
Taliyaha ayaa u balan qaaday cidii soo sheegta maclumaadka horseedi kara in la ogaado ama gacanta lagu soo dhigo kooxaha ku howlan weerarada Hoobiyeyaasha lagu soo weeraro Caasimadda Muqdisho ay siin doonaan abaal marin lacageed uu ku farxo Qofka.
Macalim Mahdi ayaa carabka ku dhuftay in abaalmarintaasi lacageed ay bixin doonaan ay gaareyso Sodon kun oo Doolaar ($30,000), waxaana uu shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka.
Mar ay saxaafadda ay su'aal ka weydiisay hadii abaalmarintaasi ay ciidanku wax ka heli doonaan hadii ay keenaan xogta Kooxahaasi ama ay soo qabtaan ayaa waxa uu tilmaamay in Shacab ama Ciidan cidii macluumaad sugan ka keenta Kooxaha caadeeystay weerarada Hoobiyeyaasha ah ee mararka qaar lagu soo weeraro caasimadda ay abaalmarintaasi siin doonaan.
Ugu dambeyn, taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in shacabku aysan dhag jalaq usiinin shaqsiyaad uu sheegay inay sumcad xumeenayaan xasiloonida iyo nabad galyda ka jirta caasimadda Muqdisho.