Sabti, Juun 7, 2025 (HOL) - Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ayaa muujiyey walaac iyo caro ka dhan ah xayiraadda socdaalka ee uu dhawaan ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, taasoo beegsanaysa muwaadiniinta 12 dal oo ay ku jirto Soomaaliya, islamarkaana xaddideysa gelitaanka Mareykanka laga bilaabo bisha soo socota.
Dalalka ay xayiraaddu si buuxda u saameyneyso waxaa ka mid ah: Afgaanistaan, Myanmar, Chad, Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Somalia, Sudan, iyo Yemen. Sidoo kale, dalalka Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan, iyo Venezuela ayaa wajahaya xayiraado qeyb ahaan ah.
Minnesota, oo ay ku nool yihiin in ka badan 86,000 oo Soomaali ah, ayaa ah mid ka mid ah goobaha ugu weyn ee ay Soomaalidu ku xooggan yihiin gudaha Mareykanka, waxaana hoggaamiyeyaasha bulshada ay sheegeen inaanay la yaab ku noqon xayiraaddan cusub.
“Waxaa jira cabsi iyo niyad-jab, gaar ahaan dadka weli dibadda ku sugan ee sugaya in dib loo dejiyo,” ayuu yiri Hassanen Mohamed, Agaasimaha Xarunta Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota.
“Dadkaasi horey ayaa loo baaray, faraha laga qaaday, diyaarna waa u yihiin in la dejiyo, balse tallaabooyinka degdegga ah ee noocan ah waxay keenayaan dib u dhac iyo hubanti la’aan dheeraad ah,”ayuu yiri Hassanen Mohamed.
Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegay in xayiraadda cusub aysan saameyn doonin dadka horey u haysta fiisayaal socdaal ama kuwo socdaalka u oggolaanaya.
Xukuumaddii hore ee Trump ayaa markii ugu horreysay xayiraad muran dhalisay ku soo rogtay dalal Muslimiinta u badan sanadkii 2017, taasoo ay ku jirtay Soomaaliya. Siyaasaddan ayaa wajahday maxkamado iyo wax-ka-beddel, ka hor intii aanay Maxkamadda Sare ee Mareykanka ansixin sanadkii 2018.
Madaxweyne Joe Biden ayaa markii uu xafiiska la wareegay 2021, ka noqday xayiraaddaas, isaga oo ku tilmaamay mid ceeb ku ah damiirka qaran ee Maraykanka.
Wareegto uu Biden saxiixay ayaa meesha ka saartay xayiraadihii saarnaa muwaadiniinta dalalka Iran, Libya, Somalia, Syria, iyo Yemen.
Soo noqoshada xayiraaddan socdaalka ee ku jirta ballan-qaadyada ololaha cusub ee Trump ayaa dib u kicisay cabsi ku saabsan dib u midoobidda qoysaska qaxootiga iyo howsha dalbashada magangelyo.
Hay’adaha bulshada ee Minnesota ayaa sheegay in ay u diyaar garoobayaan sidii ay u taageeri lahaayeen qoysaska ay saameynta ku yeelatay tallaaabadan, waxayna ugu baaqayaan madaxda la doortay in ay ka horyimaadaan siyaasadaha ay u arkaan kuwa takoor ah.