6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 7 , 2025
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay inuu geeriyooday Horjoogihii ugu halista badnaa Al-shabaab
 

Sabti, Juun 7, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyay inuu maanta geeriyooday Horjoogihii ugu halista badnaa Al-shabaab ee deegaanada maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Horjoogahaan oo lagu magacaabo Nuur Cabdi Rooble Nuunuule ayaa u dhintay dhaawac culus oo la sheegay inuu Shalay kasoo gaaray howlgal ciidanka dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka ka fuliyeen inta u dhaxeysa deegaanada kala aha Ceel hareeri iyo Garas magan ee gobolka Hiiraan.

"Waxaan umadda Soomaaliyeed la wadaagaya dhimashada mid ka mid ah horjoogayaashii Khawaarijta ugu dhagarta badnaa Nuur Cabdi Rooble Nuunuule inuu u dhintay dhaawac shalay ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamiga ugu geysteen howlgal lagu dilay horjoogayaal kale" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in ninkaan uu horay u fuliyay weeraro dhowr ahaa oo ka kala dhacay magaalooyinka kala ah Guriceel. Dhuusamareeb, Galcad, Coosweyne, Ceel lahele, Caad. Xarar dheere iyo Aadan yabaal oo u dambeysay.

"Dowladda Soomaaliya waxay cadeyneysa in cawaaqibta Khawaarijta u dambeysa ay noqoneyso sidaan oo kale, waxaan sidoo kale bogaadinaya guulaha ciidanka xaq u dirirka reer Hiiraan ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi. 

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo sadaxdii maalmood ee laso dhaafay dagaalo qaraar ku dhexmarayeen deegaanka Ceel hareeri iyo nawaaxigiisa ciidanka Macawiisleeyda iyo Al-shabaab, islamarkaana horjooge Nuunuule lagu dilay dagaal Shalay ku dhexmaray Al-shabaab iyo Macawiisleyda inta u dhaxeysa Ceel hareeri iyo Garas magan.