Sabti, Juun 7, 2025 (HOL) - Koox dabley ah ayaa lagusoo waramayaa inay magaalada Gaalkacyo ku dilaeen labo qof oo shacab ah oo kala ahaa rag iyo dumar ahaa, kuwaas oo xilliga falku dhacayay ka yimid goob dalxiis ah oo kutaala duleedka Gaalkacyo.
Dableyda ah ayaa weerar ku qaaday gaari uu watay marxuumka iyo qofka dumarka ah ee la socday, iyagoo rasaas oodda uga qaaday, halkaasna ku dilay labadooduba.
Lama oga sababta dilkooda ka dambeysay, hase ahaatee warar aanu ka helnay ilo madax bannaan ayaa sheegaya in bartilmaameedku ahaa ninka, iyadoo dilkuna uu salka ku hayo Aargoosi qabiil. Gacan ku dhiiglayaasha falkaan ka dambeeyay ayaa goobta isaga baxsaday.
Maamulka Gobolka Mudug iyo hay’adaha amniga ayaa ku guulaysan waayay inay xal u helaan dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka, kuwaas oo Gobolka Mudug aad ugusoo badanayay, tan iyo intii laga raystay dilalkii iyo qaraxyadii Gaalkaco ay ka geysan jireen ururka Alshabaab.
Dhowr bilood ka hor degaanka Bursaalax ee isla gobolka Mudug ayaa sidaan oo kale aano qabiil loogu dilay labo nin oo ganacsato ahaa, kuwaas oo mid kamid ah uu ahaa maamulihii shirkadda Golis ee degaankaas.
Dadka arrimahan u dhuun daloola ayaa sheegaya in sababaha ay usoo laalaabanayaan dilalkan ay tahay, in aan caddaaladda la marsiinin dambiilayaasha geysta falalkan, kuwaas oo marka ay falka geystaan baxsada lana soo qaban waayo, taasoo keenta in dilalka soo kordhaan.
Sida aan xogta ku helayno, madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan la filayaa inuu isbeddel ku sameeyo maamulka gobolka Mudug iyo hay’adaha amniga.