6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 8 , 2025
Dowladda Fedaraalka oo ku dhawaaqday iney dib ula wareegeyso deeganada Al-shabaab ku sugan yihiin
 

Axad, Juun 8, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inuu socdo abaabul xoogan oo ah sidii ay dowladda dib ula wareegi laheyd deegaanada ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in qorshan ay si wadajir ah isaga kaashanayaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda, islamarkaana uu noqon doono howlgalkii lagu soo afjari lahaa maleeshiyaadka Al-shabaab. 

“Waxaan wadnaa qoshe Wasaaradda Gaashaandhiga ay ku dooneyso in dib loogu qabto deegaanada ay ku sugan yihiin Khawaarijta, howlgallada hadda waxay ka socdaan inta badan gobolada dalka sida Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koofur Galbeed, waana la kordhinaya howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya in Macawiisleyda reer Hiiraan lagu fiirsaday dagaalka mudooyinkii dambe ka dhacaayay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, isagoona arintaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan.

“Reer Hiiraan dagaalka laguma fiirsan, waxaa la jooga ciidanka Xoogga dalka, dhaawacyada ayaa loo daaweynaya, rasaasta iyo hubka kale inta badan dowladda Federaalka ayaa bixineysa, guulaha ay soo hoyaana waa kuma muuqda aanan la qarin waana bishaareya marwalba” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi 

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda iyo Macawiisleyda siyaabo kala duwan u kala sheegteen masuuliyada dilka horjoogahii ugu halista badnaa Al-shabaab ee deegaanada maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle Nuur Cabdi Rooble Nuunuule oo lagu dilay gobolka Hiiraan.