Axad, Juun 8, 2025 (HOL) - Ciidamada Puntland oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa hawlgal ballaaran ka wada Togga Baalade, oo ah saldhiggii ugu dambeeyey oo ay ku sugnaayeen xubnaha kooxda Daacish ee gobolka Bari.
Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay la kulmeen iska caabin xooggan iyo qaraxyo intii uu socday hawlgalku, taas oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca ku dhowaad 10 askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Puntland.
Khasaarahan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ciidamada Puntland soo gaara tan iyo markii uu bilowday hawlgalka ka dhanka ah Daacish ee Togga Miiraale.
Sidoo kale, kooxda Daacish ayaa bilowday inay qarxiyaan goobo ay uga tagaan rasaas iyo saadka milatari, si ay ugu waxyeelleeyaan ciidamada marka ay isku dayaan inay ka qaataan agabkaasi.
Hawlgalka ayaa galay maalintiisii saddexaad, iyadoo ciidamada Puntland ay hadda helayaan taageero cirka ah oo ay siinayaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah.
Togga Baalade, oo ku dhow magaalada Boosaaso, ayaa hadda ah goobta ugu weyn ee lagu wajahan yahay si loosoo afjaro xubnaha haray ee Daacish.