6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 9 , 2025
Mucaaradka Dowladda oo sheegay in ay weli Madaxweynaha ka dhowrayaan gogol wada-xaajood oo loo dhanyahay
 

Isniin, Juun 9, 2025 (HOL) - Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa maanta war ay soo saareen ku sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu wali ku taagan yahay jidkii sababay khilaafka Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madasha samatabixinta ayaa tilmaamtay in ay u arkaan kulammada uu Madaxweynuhu qabanayo 15-ka iyo 22-ka bishaan in ay yihiin kuwo uu taageero ugu raadinayo jidkii uu horay ugu joogay ee sababay khilaafka iyo kala aaminbaxa, maadama ay horey niyad wanaagsan ay kusoo dhoweeyeen ka qeyb galka Shirkaasi.

Madashaan oo ay kujiraan xubnaha ugu waa weyn ee mucaaradka ayaa ku tilmaamay tallaabooyinka uu qaadayo Madaxweynaha inay dhaawacayaan niyad wanaaggii ay Madashu ku qaabishay gogosha, waxayna ka niyad jebinaysaa shacabka iyo saaxiibbada Soomaaliyaba rajadii ay gogosha ka qabeen.

War saxaafadeedka ayaa ugu dambeeyn lagu sheegay in Madashu ay mar walba u taagan tahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyo sidii dalka looga samatabixin lahaa hubanti la'aanta siyaasadeed.

Waxayna sidoo kale sheegeen in ay weli Madaxweynaha ka dhowrayaan gogol wada-xaajood ah oo loo dhanyahay, si xal waara looga gaaro khilaafka siyaasadeed, laguna mideeyo abaabulka iyo awoodda lagu wajahayo cadowga argagexisada ee duulaanka ku ah diinteenna, dalkeenna iyo dawladnimadeenna.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA MADASHA