Isniin, Juun 9, 2025 (HOL) - Hoggaanka waxbarashada ee gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in in ka badan 41,000 oo arday ay saakay si rasmi ah u fadhiisteen imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir.
Tani waxay ka dhigan tahay tiradii ugu badneyd ee abid loo diiwaan geliyo imtixaankan heer gobol, taasoo ka tarjumeysa kobac iyo horumar la taaban karo oo dhanka waxbarashada ah ee ka jira gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe Iyadoona uu yahay sanadkii 6-aad oo uu Maamulka Gobolka Banaadir si Madaxbanaan u qaadayo Imtixaanka.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in uu kor u qaadi doonno tirada iyo tayada waxbarashada Gobolka Banaadir, si ardeyda ay u helaan waxbarasho tayo leh, asigoona dhinaca kale xusay in uu kordhin doonno helitaanka waxbarasho lacag la’aan ah, waxa uuna guul u rajeeyay ardayda maanta u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe.
Tirada guud ee ardayda u fadhiisatay imtixaanku waa 41,670, oo ay ku jiraan 22,778 wiil, 18,860 gabdhood, iyo 32 arday oo qaba baahiyaha gaarka ah, si loo xaqiijiyo ka qaybgalka si siman.
Imtixaanka ayaa si isku mid ah uga billowday dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la dhigay ciidamo booliis ah oo sugaya ammaanka iyo nidaamka inta uu socdo.
Munaasabadda Furitaanka Imtixaanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir, Saraakiisha qaabilsan Imtixaanaadka iyo madax kale oo ka tirsan Maamulka G/Banaadir.