6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 9 , 2025
Cali Jeyte oo ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu hogaan cusub usoo magacaabo Hirshabeelle
 

Isniin, Juun 9, 2025 (HOL) - La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha ciidanka Macaawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan ayaa weerar afka ah ku qaaday hogaanka Hirshabeelle isagoo ugu baaqay jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu isbadel ku sameeyo hogaanka Maamulkaasi.

Cali Jeyte ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Kuxigeenkiisa inuu ka socon la yahay dagaalka lagula jiro Kooxda Al shabaab oo ay safaro dalka dibadiisa uga maqan yihiin, waxaana uu tilmaamay inaysan jirin wax adeeg ah oo shacabka helaan sida Waxbarasho iyo Caafimaad.

Waxa uu Cali Jeyte tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya ay ka go'do go'aan ka gaarista Hogaanka waqtigiisa uu dhamaaday sida uu hadalka u dhigay, waxaase uu soo jeediyay hadii midaa lawayaa xitaa inuu Guddoomiyeyaal heer Gobol usoo kala magacaabo Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Shir jaraaid uu qabtay maanta ayuu kaga hadlay sidoo kale arrimaha dagaalka ku kaliga ah beesha degta Gobolka Hiiraan, waxaana uu carabaabay inay beeshaasi u baahan tahay cadaalad.

"Madaxweyne beel Hiiraan dagan ayaa dagaalameysa golaha amniga Soomaaliya looga tashanaya qof tooda ah kuma jirto madaxdii Hirshabeelana dalxiis ayey Nairobi u jiraan ee cadaalad ayaan kaa rabnaa madaxweyne" ayuu yiri Cali Jeyte.

Ugu dambeyntii waxa uu Cali Jeyte Dowladda ugu baaqay in hal beel oo kaliya ah ay dhiigoodi ku daadanayo Hiiraan loona baahan yahay in gurmad ay lasoo gaarto si laiskaga ciribtiro Kooxda Al-Shabaab.