6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 1 , 2025
Dowladda Soomaaliya oo beenisay inuu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda Masar
 

Khamiis, May 1, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in xiriirka kala dhaxeeya Masar uu yahay mid xooggan oo qoto dheer, oo aysan jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Masar.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si kulul u beenineeyso warar ay warbaahintu qortay oo sheegayay in ay khilaaf uu soo kala dhex galay Qaahira iyo Muqdisho taa oo keentay in Dowladda Masar ay hakiso heshiiskii iskaashiga milateri ee ay kala saxiixdeen Agoosto 2024.

War rasmi ah oo uu soo saaray safiirka Soomaaliya ee Qaahira ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta Cali Cabdi Awaare ayaa carabka ku adkeeyay in wararka la daabacay ay yihiin kuwo marin habaabin ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo caddeeyay in xiriirka labada dal uu si wanaagsan u socdo.

Safiirka Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya in la xayiray heshiiskii iskaashiga gaashaandhigga oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxweynayaasha labada dal, Wuxuu caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay fulinta qodobbada heshiiska iyo horumarinta iskaashiga milateri ee Qaahira, gaar ahaan taageeridda dadaallada Muqdisho ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo dhisidda awoodda difaaca.

Awaare ayaa ugu baaqay warbaahinta in ay si sax ah u baaraan, kana fogaadaan in ay daabacaan eedeymaha wax u dhimaya xiriirka labada dal, isagoo dhanka kale amaanay doorka taariikhiga ah ee Masar ay ku leedahay taageeridda Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo dhaqanka.