Hiiraan Online
6/23/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, May 10, 2025
Roobab mahiigaan ah oo geeystay Khasaare Dhimasho ah oo ka da'ay magaalada Muqdisho
Sabti, May 10, 2025 (HOL) - Roobab mahiigaan ah oo Saacado badan ka da'aayay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada Laba Ruux iyo burburka waddooyin waa weeyn oo kuyaala magaalada Muqdisho.
Labada Qof oo waxaa la tilmaamay inay ahaayeen Hooyo iyo Canugeedi oo Guri uu kula dumay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir sida ay inoo xaqiijiyeen maamulka Degmadaasi oo wali ku guda jira kormeerka Meelihii ay roobku saameeyeen.
Roobaabkaan ayaa inkabadan 8 saacadood ah waxa ay ka da'ayeen magaalada Muqdisho iyagoo jaray dhowr wado oo muhiim u ahaa isku socodka dadweynaha iyo Gaadiidka.
Meelahaha sida aadka ay u sameeyeen waxaa kamid ah waddooyinkii ugu dambeeyay uu maamulka Gobolka Banaadir dhisay gaar ahaan kuwa laga dhisay degmada Howlwadaag, meelaha qaar waxaa saakay laga soo sheegayaa in waddooyinka ay biya fadhiyaan oo gaadiidka ay xaafadaha dhex marayaan.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Shacabka inay ka fogaadaan meelaha biya qabadka leh waxaana lafaray dhammaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka inay u gurmadaan shacabka ay sameeyeen biyaha gaar ahaan kuwa kunool guryaha qadiimiga ah.