6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 10, 2025
ECW oo ku Dhawaaqay $17.1 Milyan oo lagu taageerayo waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed
 

Sabti, May 10, 2025 (HOL) - Hay’adda "Education Cannot Wait" (ECW) iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa ku dhawaaqay deeq cusub oo gaaraysa $17.1 milyan, taas oo lagu horumarinayo waxbarashada carruurta Soomaaliyeed.

Deeqdan cusub ayaa la filayaa in ay ka faa’iideeystaan in ka badan 43,000 oo carruur ah, iyadoo la siinayo fursado waxbarasho oo tayo leh, isla markaana loo dhisayo si loo daboolo baahiyaha gaarka ah ee carruurta nugul.

Agaasimaha hay’adda ECW, Yasmine Sherif, ayaa tiri: “Carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed muddo dheer waxay wajahayeen rafaad. Hase yeeshee, haddii la siiyo waxbarasho tayo leh, waxay haystaan karti iyo himilo ay dalkooda ku horumarin karaan. Soomaaliya ma sii ahaan doonto mid kamid ah musiibooyinka la iska ilaawo.”

Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa dhankiisa xusay in dalkiisu ka go’an tahay inuu la shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha sida ECW si loo xaqiijiyo mustaqbal ifaya oo carruurta Soomaaliyeed u suurtagelinaya nolol wanaagsan.

“Waxaan taageeri doonnaa barnaamijkan cusub oo xoojinaya nidaamka waxbarashada dalka, isla markaana siinaya fursado waxbarasho oo waqti dheer ah carruurta nugul,” ayuu yiri safiirku.

Wasiirka Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa barnaamijkan ku tilmaamay “iftiin iyo yididiilo” cusub oo fursad siinaya kumanaan carruur ah oo waxbarasho ka waayay dhibaatooyinka dalka ka jira.

Barnaamijkan ayaa laga hirgelin doonaa lix goobood oo ku yaalla gudaha Soomaaliya, iyada oo la siinayo mudnaan gaar ah carruurta barakacayaasha ah, kuwa naafada ah iyo kuwa kale ee nugul.