6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 10, 2025
Golaha Wakiillada Somaliland oo loo gudbiyey mooshin lagu joojinayo wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya
 

Sabti, May 10, 2025 (HOL) - 30 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa mooshin ay ku dalbanayaan in la joojiyo wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya u gudbiyey Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa golaha ka hor akhriyey magacyada xildhibaanada soo jeediyey mooshinka, waxaana shirguddoonku aqbalay mooshinka iyada oo loo gudbiyey la-taliyaha golaha.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan hakisay wadahadalladii muddo dheer socday ee ay la lahayd dowladda Federaalka Soomaaliya, hase yeeshee wali tallaabadaasi sharci ma noqon, maadaama joojinta xukuumaddu ay la macno tahay kaliya "hakin". Haddii uu goluhu meelmariyo mooshinkan, waxay noqonaysaa sharci-darro in Somaliland mar kale wadahadallo la gasho Soomaaliya.

Go’aanka xukuumadda Somaliland ay ku hakisay wadahadallada ayaa yimid kadib markii ay ka cadhootay socdaalkii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, 12 Abriil ku tagay magaalada Laascaanood, halkaas oo uu kaga dhawaaqay in maamulka SSC-Khaatumo uu noqday xubin ka mid ah dowladda federaalka.

Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay London ka billowday bishii Feebarwari ee 2012, kadib markii Baarlamaanka Somaliland uu oggolaaday in ay Muqdisho iyo Hargeysa wadahadlaan markii ugu horaysay tan iyo 1991-kii. Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ayaa u arkaysay in wadahadalladu ay isu soo dhawayn karaan labada dhinac.

Haddaba, muddo 13 sano ah oo ay wadahadalladu si goos-goos ah u socdeen ilaa hadda lagama gaadhin natiijo la taaban karo. Isla markaana, joojinta wadahadallada ee xilligan ayaa muujinaysa in dhinacyadu ay sii kala fogaadeen.