Sabti, May 10, 2025 (HOL) - Waxaa maanta markale kooram la'aan u baaqday kulankii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kadib roobabkii xoogana ee Xalay ka da'ay guud ahaan magaalada Muqdisho.
Hab dhowraha Golaha Shacabka ee Golaha ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kooram la'aanta kulanka uu maanta u baaqday ay timid, kadib markii Xildhibaanadu ay ku adkaatay iney soo gaaraan xarunta Golaha Shacabka.
"Xildhibaanada inta badan maanta waxay ku xayirmeen wadooyinka oo ay si weyn u saameeyen roobabkii Xalay da'ay, taasna waxay keentay in Kooramka kulanka uu buuxsami waayo, marka berito ayuu noqon doona kulanka xiga ee Golaha Shacabka" ayuu yiri Hab dhowraha Golaha Shacabka.
Si kastaba ha ahaatee roobabkii xoogana ee Xalay ka da’ay gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho ayaa sababay in biyo aad u badan ay fariistaan wadooyinka waa weyn ee isku xira xaafadaha iyo xarumaha dowladda, taasoo saameysay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Baaqshada kulanka Golaha Shacabka ayaa kusoo aadeysa, iyadoo kulankii hore ee Golaha uu u baaqday Kooram la'aan darteed waxaana guddoonka Golaha shacabka uu ugu baaqay Xildhibaanadda ka maqan kulamada Golaha iney soo xaadiraan fadhiyada si Baarlamaanku wax uga qabto howlaha horyaala.