Axad, May 11, 2025 (HOL) - Madasha Maanshiil oo ay ku jiraan xubno sar sare oo u badan siyaasiyiin kasoo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan hadalkii dhawaan ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka.
Qoraalka Dowladda Mareykanka kasoo baxay ee lagu diiday go'aanadii kasoo baxay shirkii madasha Wadatashiga Qaran ee todobaadkii hore kusoo gabagaboobay Muqdisho ayay Madasha Maanshiil ku tilmaamtay mid bogaadin mudan.
"Madashu waxay sidoo kale aqoonsan tahay taageerada muhiimka ah iyo taageerada joogtada ah ee beesha caalamka, gaar ahaan Dowladda Maraykanka, ee ku aaddan dib u soo kabashada iyo dowlad dhiska Soomaaliyeed." Ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Maanshiil.
Waxay sidoo kale tilmaameen in ay aaminsanyihiin muhiimada ay leedahay in khilaafka siyaasadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka iyo saamileyda siyaasadeed lagu xalliyo wada hadal hufan oo ku qotoma Dastuurka iyo shuruucda dalka.
Ugu dambeyn, Madasha Maanshiil waxay ugu baaqday madaxda Dowladda Federaalka in ay qaataan doorkooda mas'uuliyadeed, iyagoo u wajaha khilaafyada jira si miyir iyo qarannimo ku dheehan tahay, una hoggaansamaan dastuurka dalka, taas oo lagu gaari karo xasillooni waarta iyo horumar dhab ah.