6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 12, 2025
Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ku baxay xiisad ka taagan Shabeellaha Dhexe
 

Isniin, May 12, 2025 (HOL) - Gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur oo gaaray deegaanka Koogaar oo Shalay lagu dilay laba ruux oo shacab ah ayaa digniin adag u diray dad uu sheegay iney ka shaqeynayaan isku dirka bulshada iyo hurinta dagaal beeleed.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe iney wadaan howlgalo ay ku doonayaan iney ku soo qabtaan dambiilayaashi geystay dilka dadka shacabka ahaa.

“Ciidamadu waxay wadaan howlgalo lagu soo qabanayo gacan ku dhiiglayaashii dilka ka geystay Koogaar ee dilay dadka samafalayaasha ahaa 48 sacadood gudahood ayaan ku soo qaban doona, waxaan kalo cadeynaya inaan talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono dadka isku diraya beelaha walaalaha ee wada degan” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe.

Guddoomiye Maxamuud Maxamed Nuur ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka shacabka iney ka fogaadaan faafinta wararka been abuurka ah ee keeni kara isku dhacyo iyo colaad beeleed.

Dhinaca kale waxgaradka deegaanka Koogaar ayaa ka dalbaday maamulka gobolka Shabeellaha dhexe in xal dhab ah u helaan dilalka soo badanaya oo ay xuseen iney sababi karaan colaad beeleed.

"Gobolkaan waa la wada ogyahay dhibaatada uu dhawaan kasoo baxay ee aheyd dagaal beeleedyada dhiiga badan ay ku daateen, hada waxay u muuqata in markale dib loogu noqon rabo dhibaatadii laga soo gudbay hadaan xal dhab ah loo helin dilalka loo geysanayo dadka shacabka ah" ayuu yiri mid ka mid wax garadka deegaanka Koogaar.

Si kastaba ha ahaatee gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanada hoostaga Cadale waxaa ku soo noqnoqday dilalka ay geysanayaan Maleeshiyaadka hubeysan, kuwaas oo salka ku haaya arrimo la xiriira aanoyin qabiil.