Talaado, May 13, 2025 (HOL) - Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Axmed Xasan Aadan, oo magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa kala hadlay sidii ay labada Dowladood u xoojin lahaayeen iskaashiga dhinaca Kallumaysiga.
Wasiir Axmed Xasan iyo safiir Alper Aktas waxa ay kawada hadleen sidii labada Dowladood ay diiradda u saari lahaayeen sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga ku aaddan maareynta kalluumeysiga waara, horumarinta kalluunka beerashada, dhisidda awoodda shaqaalaha, iyo maalgashiga khayraadka badda ee Soomaaliya.
War qoraal ah oo laga soo saaray kulanka Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mas'uuliyiintaan ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda isdhaafsiga farsamada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga la dagaalanka kalluumeysiga sharci darrada ah.
Wasiir Axmed Aadan ayaa soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee dowladda Turkiye ay siiso qeybta kalluumeysiga Soomaaliya, isagoo sidoo kale tilmaamay fursadaha ay maalgashadayaasha Turkiye ku heli karaan warshadeynta kalluunka iyo horumarinta xeebaha.
Dhinaca Dowladda Turkiga, Safiir Aktaş ayaa dib u xaqiijiyay diyaar garowga dowladiisa ee ku aaddan xoojinta iskaashiga, ka faa’iidaysiga khibradda, iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya ee dhinaca dhaqaalaha buluugga ah.