Hiiraan Online
6/23/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2025
Ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan oo howlgal qorsheysnaa ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab
Jimco, May 16, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howgal qorsheysnaa oo Xalay saqdii dhexe ciidamada difaaca deegaanka ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.
Ciidanka Macawiisleeyda Hiiraan ayaa Xalay weerar khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab ka fuliyay tuulooyin ku dhadhaw deegaanada kala ah Ceel dheer iyo Xalaalaay oo hoostaga degmada Halgan.
Sarkaal u hadlay ciidanka Macawiisleeyda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howlgalka ay ku dileen ilaa 4 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.
Sarkaalka ma uusan sheegin magacyada horjoogayaasha ay howlgalka ku dileen iyo waxa ay u qaabilsanayeen Al-shabaab, wuxuuna tilmaamay in xubnahii kale ee kooxda firxad kooda ka gudbeen wabiga Shabeelle dhanka Galbeedka.
Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe lasoo warinaayay in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo wabiga Shabelle dhanka Bariga uga soo talaabay ay soo buux dhaafiyeen deegaano hoostaga degmooyinka Buula burte iyo Halgan ee Bartamaha gobolka Hiiraan.