6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2025
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku tilmaamay Qadiyadda Falastiin inay tahay Imtixaan lagu tijaabinayo Midnimada Wadamada Carabta
 

Sabti, May 17, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa carabka ku adkeeyay in Shir Madaxeedka 34-aad ee Wadamada Carabta uu ku soo aadayo xilli xasaasi ah, maadaama wadamada Carabta ay ku jiraan marxalado kala duwan oo ay ugu wacan tahay isbedelada caalamka oo aan horay loo arag iyo caqabadaha Gobolka.

“Arrinta Falastiin waxa ay ka dhigan tahay tijaabo dhab ah oo lagu sameeyay midnimada Carabta, xilli ay kasii darayaan dhibaatooyinka ka jira dalalka Carabta qaarkood, una baahan in dhammaanteen tallaabo deg deg ah aan qaadno." ayuu ku yiri Khudbadiisa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu ku nuux-nuux saday in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Falastiin iyo dhammaan shucuubta Carbeed si loo joojiyo colaadaha iyo gardarrada dibadda ah uga imaanaya, isagoo muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la soo afjaro dhibaatada Yahuuda ay ku hayso Falastiin iyo in la dhiso dowlad madax-bannaan oo Falastiiniyiin ay leeyihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dalkeygu wuxuu sii wadaa taageerada uu u fidinayo qadiyadda falastiin oo ah arrinta udub-dhexaadka u ah ummadda Carbeed” isagoo dhanka kale bogaadiyay doorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ku aaddan mideynta dadaallada loogu adeegayo danaha Carbeed."

Xasan Sheekh oo ka hadlayay arrimaha Suudaan ayaa yiri “Waxaan ku celineynaa mowqifkayaga adag ee ku aaddan taageeridda madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Suudaan iyo in aan taageerno hay’adaha sharciga ah si ay ugu dadaalaan adkeynta amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhanka arrimaha Suuriya, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay Jamhuuriyadda Suuriya go'aanka Mareykanka uu cunaqabateynta uga qaaday, isagoo ku tilmaamay tallaabadan mid "muhiim" u ah horumarinta xasilloonida Suuriya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dalalka Carabta in ay ballaariyaan maalgashigooda ay ku sameynayaan qeybaha muhiimka ah ee dalka Soomaaliya, maadaama ay taasi ka dhigan tahay fursado rajo ah oo lagu horumarinayo horumar waara iyo xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya.

"Caqabadaha aan wajaheyno, sida isbedelka cimilada, cunto la'aanta, iyo xasilloonida gobolka, waa caqabado wadajir ah oo u baahan jawaab-celin Carabeed oo isku xiran oo si fiican loo qeexay si loo qaato go'aanno degdeg ah si loo ilaaliyo sharafta iyo madax-bannaanida dhammaan dadka Carabta ah."  ayuu ku yiri Khudbadii uu ka jeediyay Shir madaxeedka Jaamacada Carabta.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay mabaadi’da iyo ujeedooyinka Ururka Jaamacadda Carabta ee lagu xoojinayo iskaashiga ay la leedahay dhammaan dalalka Carabta, waxa uuna caddeeyay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu ka faa’ideysto goobta istaraatiijiga ah ee uu ku leeyahay Geeska Afrika si uu u noqdo buundada horumarka iyo amniga ee dalalka Carabta iyo Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo xiray khudbadiisa ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu si dhow ula shaqeeyo dowladaha xubnaha ka ah si loo xoojiyo midnimada Carabta iyo qaabeynta mustaqbal ku dhisan nabad, barwaaqo, iyo wax wada qabsi dhexmara dhammaan wadamada Carabta.