Sabti, May 17, 2025 (HOL) - Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Uganda sarreeye Guud Sam Okiding oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya waxaana garoonka Aadan Cadde uga hortagay Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Sareeyo Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar.
Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in Booqashada Taliye Kuxigeenka Militeriga Uganda ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga milatari iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Uganda, iyadoo Sarreeye Guud Okiding uu qeyb ka noqon doono dadaallada lagu dardargelinayo howlgalka lagu ciribtirayo Al-shabaab iyo kooxaha argagixisada ah ee caqabadaha ku hayaan nabadda iyo xasilloonida dalka.
Inta uu kusugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa inuu kulamo la qaato qaar kamid ah saraakiisha ugu sareeysa ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa waxaana la darsi doonaa qorshaha cusub ee lagu wajahayo dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.
Soo dhoweynta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo la muujiyay muhiimadda xiriirka milatari ee xooggan ee ka dhaxeeya labada dal iyo kaalinta muhiimka ah ee dowladda Uganda ay ka qaadato nabadeynta iyo sugidda amniga Soomaaliya.
Uganda waxaa ka jooga Soomaaliya tirada ugu badan ee Ciidamo ka socda Dowladdaasi ee ka qeyb qaadanaya Howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya kuwaasi oo dalka u yimid 2007 inay xasiliyaan Soomaaliya kana hortagaan weerarada Kooxaha Argagexisada.