6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2025
SSC Khaatumo: Dowladda Federaalka waxay noo sheegtay in aysan wax qarash ah u haynin imtixaanka shahaadiga
 

Sabti, May 17, 2025 (HOL) - Dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka heleen ogeysiin ku saabsan in sannadkan aan wax dhaqaale ah loo haynin imtixaanka shahaadiga ah.

Agaasimaha guud ee Waxbarashada SSC-Khaatumo, Marwo Farduus Qaran Bila, ayaa sheegtay, iyadoo arrintaas laga duulayo in ay wasaaraddu kusoo rogtay  ardayda imtixaanka u fariisanaysa in ay bixiyaan  $10 oo ah kharashka imtixaanka.

“Sannadkan waxaa nalagu wargeliyay in aan wax dhaqaale ah loo haynin imtixaanka shahaadiga, sidaas darteed, waxaa la go’aamiyay in arday kasta uu bixiyo 10 Dollar oo Fee ah, waana arrin sharci ah oo kasoo baxday wasaaradda,” ayay tiri Farduus.

Waxay sidoo kale caddeysay in lacagta laga qaadayo ardayda loo adeegsanayo maaraynta imtixaanka. Dhinaca kale, Farduus waxay raalli-gelin ka bixisay warqad hore oo sheegaysay in laga qaadayo ardayda lacag dhan $20, taasoo ay ku tilmaantay qalad dhacay oo aan ahayn go’aan rasmi ah.

Sannadkii hore, dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay gaarsiisay deegaanada SSC-Khaatumo imtixaanka shahaadiga, iyadoo dabooshay dhammaan qarashaadkii ku baxayay imtixaanka.

Lama oga in culayska dhaqaale ay wajahayaan arayda SSC Khaatumo uu sidoo kale saamayn doono ardayda Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey meesha uga saartay qarashaadkii laga qaadi jiray ardayda imtixaanka u farriisanaysa.