6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2025
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay waqtiga la galayo imtixaanka shahaadiga
 

Sabti, May 17, 2025 (HOL) - Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo imtixaanka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2024/2025.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in imtixaanka la qaban doono 14-ka bisha Juun ee sannadkan, isagoo socondoona illaa 19- June.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan ardayda qalin-jebinaysa inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan imtixaanka, iyadoo xustay in isbeddel kooban lagu sameeyay maadoyinka imtixaanka lagu galayo.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in maaddada Ganacsiga lagu soo kordhiyay imtixaanka sannadkan, halka sannadkii hore lagu daray maaddada ICT, oo aan horey uga jiri jirin maaddooyinka imtixaanka

Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare waxay intaas ku dartay inay dhawaan shaacin doonto shuruudaha ku waajibaya ardayda, iyo sidoo kale shuruudaha la xiriira macallimiinta iyo kormeerayaasha imtixaanka.

Imtixaanka midaysan oo ay dowladdu bilowday dhowr sano ka hor ayaa laga qabanayaa guud ahaan dalka, marka laga reebo Puntland oo leh manhaj u gaar ah, iyo Somaliland oo sheegata dowlad madax-bannaan.