Hiiraan Online
6/23/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2025
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho
Axad, May 18, 2025 (HOL) - Qaraxaan Ismiidaaminta ah oo jugtiisa si weyn looga maqlay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa lasoo wariyay inuu fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo beegsaday xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho.
Ismiidaamiyaha ayaa la sheegay inuu si gaar ah u beegsaday goob ay saf ugu jireen dhalinyaro dooneysay iney iska diiwaan galiyaan ciidan cusub oo lagu diiwaan gelinayay xerada Damaanyo, kuwaas oo saf uga jiray banaanka kore ee xerada.
Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeeshee wali ma jirto tiro koob rasmi ah lagama haayo khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaan uu geystay.
Ciidamada amaanka oo gaaray goobtabuu qaraxa ka dhacay ayaa xiray aagga, kuwaas oo gurmad deg deg ah u fidinaya dadka waxyeelada kala duwan kasoo gaartay qaraxa.
kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda Qaraxaan.
Ugu dambeyntii xerada Damaanyo ee goordhaw qaraxaan Ismiidaaminta ah ka dhacay ayaa sidaan oo kale waxaa horay uga dhacay qaraxyo geystay dhimasho iyo dhaawacba leh oo lagu dilay dhalinyaro sidaan oo kale safaf ugu jiray in la qoro iyo askar kale oo xerada ku sugneyd.
Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.