Axad, May 18, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in ay dadaal badan geliyeen raadinta aqoonsiga Somaliland, isla markaana ay waraaqo u direen caalamka. Waxa uu sheegay in Somaliland oo qaran ah ay wax weyn ka tari karto nabadda gobolka.
Madaxweyne Cirro waxa uu xusay in go’aankii ay gaadheen guddoonkii SNM, beelaha iyo bulshada Somaliland ee ay ku dhawaaqeen ka bixitaanka midowgii, uu ahaa go’aankii ugu saxsanaa, isaga oo sheegay in haddii aan gooni isu taagga la qaadan, Somaliland aanay gaadhi lahayn halka ay maanta taagan tahay.
"Waxaanu go’aansannay in Soomaalida qolo waliba si gooni ah u saxdo wixii ka khaldamay, waxaana aaminsannahay in walaalaheen ugu dambayn arrinta ka garaabi doonaan, oo ay fahmi doonaan in siyaabo kale oo badan wax lagu wada qabsan karo," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa uu sheegay in reer Somaliland ay khibrad durugsan u leeyihiin dhismaha dowladnimo, isla markaana haddii ay noqdaan qaran madaxbannaan, ay wax weyn ka tari karaan dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya.
"Waxaanu ku kalsoonahay in Jamhuuriyadda Somaliland oo qaran madaxbannaan ahi ay wax badan ka qaban karto xal u helista dhibaatada raagtay ee Soomaaliya haysta," ayuu yidhi.
Waxa uu ugu baaqay dalalka deriska iyo waddamada caalamka in ay tixgelin siiyaan dadaallada aqoonsi-raadinta ee Somaliland, isaga oo sheegay in dhawaan uu madaxda dunida u diray waraaqo uu kaga codsanayo in Somaliland la siiyo aqoonsi caalami ah.
Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland lagu dhisay is-cafin iyo nabadaynta gudaha ah, taasoo uu tilmaamay in caalamku wax ka baran karo, islamarkaana waddamada burburay ay qaadan karaan si ay dib ugu soo noqdaan saaxadda caalamka.
Madaxweynaha oo ka hadlayay xuska 18-ka May, ayaa sheegay in Somaliland ay iswaafajisay dhaqanka, diinta iyo dowladnimada casriga ah, isla markaana ay qabatay 8 doorasho oo si nabad ah, turxaan la’aan ahna u dhacay.