6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2025
Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsana ciidanka Macwiisleeyda Hiiraan

Axad, May 18, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maalintii labaad galay oo maanta ka dhacay inta dhaxeysa degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal ee gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka maanta oo ahaa mid aad u xoogana ayaa qaatay in ka badan lix saacadood oo xiriir, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka maanta ayaa lasoo wariyay inuu ahaa kii ugu xoogana ee mudooyinkaan ka dhaca xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ka dhashay khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaartay labada dhinac.

Waxa la xaqiijiyay in dagaalka maanta uu ku dhintay Cabdi Yuusuf Salaad oo ku magac dheeraad Cabdi Goomey, kaasoo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee ciidanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle.

Cabdi Goomey ayaa ahaa sarkaal muhiim ah oo kooxdu si weyn u doon dooneysay, tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2022-kii markaas oo lagu abaal mariyay lacag gaareysay $10,000 dollar, kadib markii uu madaxa kasoo jaray xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku jiray madaxii Maaliyada kooxda ee degmada Moqokori.

Si kastaba ha ahaate Kooxda Al-shabaab ayaa si weyn ugu faantay maanta dilka Cabdi Goomey, iyagoo sheegay in mudo dheer ay ku raad joogeen sidii ay u khaarajin lahayeen Sarkaalkaan ugu dambeyn maanta ku baxay gacantooda.