Hiiraan Online
6/23/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2025
Faah faahino dheeraad oo kasoo baxaya Qarax ismiidaamin oo ka dhacay magaalada Muqdisho
Axad, May 18, 2025 (HOL) - Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana sii kordhay tirada khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca kadib markii qof naftii halige ah uu isku qarxiyay meel lagu feeliyay dhalinyaro qoroneysay Ciidanka Qaranka Soomaaliya.
Ugu yaraan 20 Qof ayaa la xaqiijiyay inay Qaraxa ku dhinteen oo 5 kamid ah ay ahaayeen dad rayid ah oo wadada maraayay iyo 15 oo kamid ahaa dhalinyaradii qoroneeysay inay ciidanka ku biiraan kuwaasi oo kusugnaa xerada Ciidanka ee Damaayo, dhaawaca waxa uu gaaraya ilaa 15 Qof oo dhalinyaradii loo diiwaangelinayay ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay qaraxii maanta dhacay ayaa sheegtay in Saakay abaare 09:20am afaafka hore ee xerada Ciidanka ee Damaayo ka dhacay qarax uu fuliyay qof nafti halige ah, Ciidankuna ay ka hortageen in dhagar qabuhu gaaro yoolkiisa ahaa in uu khasaaro xooggan gaarsiiyo shacabka.
"Hay’adaha Amniga waxa ay ku howlan yihiin xaqiijinta Khasaaraha, waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay warbixinta rasmiga ah ka sugaan Hay’adaha Dowladda ee gacanta ku haya" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Mid kamid ah dhalinyaradii waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxa ismiidaaminta ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in qofka is qarxiyay uu ahaa qof dhalinyaro ah oo waqti kooban u sheekeeyay dhalinyaradii feelka ugu jirtay inay ciidanka iska qoraan waxaana uu tilmaamay inuu qabay shaki ninkaasi inuu wax damacsanaa balse ay qadarta ay ku dhacday uuna awoodi waayay in saxiibadiisa uu la wadaago shakiga ruuxaasi is qarxiyay kagalay.
Al shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyada weerarkaan, mana ahan markii ugu horeeysay ee ay Qarax ismiidaamin ah ku waxyeeleeyaan dhalinyaro iyagu u diyaar garoobeysay inay iska qoraan Ciidanka kuna biiraan.