6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2025
Koonfur Galbeed oo dil ku fulisay gacan kudhiigle maalin ka hor wiil dhalinyaro ku dilay Baydhabo
 

Axad, May 18, 2025 (HOL) - Maxkamadda Gobolka Baay ayaa maanta oo Axad ah waxa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Axmed Cabdullahi Maxmuud oo lagu helay in uu dil ka geystay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Ninka maanta la toogtay ayaa maalin ka hor waxa uu dilay wiil dhalinyaro oo lagu magacaabi jiray Abshir Xasan Cabdiraxmaan, waxaana sida caadada ahba Maamulka Koonfur Galbeed uu dilkaasi maalin kadib uu tiirka toogashada geeyay gacan kudhiiglihii falkaasi geeystay.

Dilkaan dhimashada sababay ayaa ka dhacay gudaha xafiis uu ku shaqaynayey Marxuum Abshir, Markii la xiray iyo maxkamadeyntiisa gacan kudhiiglaha oo isku waqti uun ahaa ayaa maxkamaddu waxa ay Axmed Cabdullahi Maxmuud ku xukuntay dil iyadoo la raacayo mabda'a Islaamka ee Qisaasta.

Xukunka toogashada ah oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka amniga gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed, saraakiil ciidan, saraakiil ka tirsan dowladda hoose ee degmada Baydhabo iyo dadweyne aad u fara badan oo ay ku jireen ehelada marxuumka.

Mas'uuliyiinta goobta ka hadashay ayaa u sheegay shacabka in Maamulka uusan marnaba aqbaleeyn in qof shacab ah si bareer ah loo dilo waxaana ay markale ku celiyeen in xoogga ay saari doonaan in dambiilaha aan waqti badan la siinin ee qofkii qof dila ay tiirka toogashada la geenayo kadib maxkamadeentiisa.